Walaweyn,(insidesomalia.org)- Wararka naga soo gaarayo Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabelaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in galabta dagaal Culus uu ku dhaxmaray Ciidamada Booliska iyo dagaalyahanada Al,shabaab, iyadoo dagaalka laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii Xoogaga Al- Shabaab ay u galeen meel 8 KM u jirta Degmada Wala weyn,warka ayaa waa uu intaasi kudarayaa in Ciidamo Boolis ah oo ka yimid Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Magaalada Baydhabo ay xoogaga Al-shabab fooda isdareen ,taasi oo kentey in ay hal gaari ay kaqabsadaan Ciidamada Booliska.
Xoogaga Al- shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay dileen ilaa 6 ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda KMG ah ee Soomaliya,islamarkaana ay qabsadeen hal gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray dagaalyahanada Al- Shabaab.
Maha markii ugu horeysay oo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda oo lagu weeraro Gobolka Shabelaha hoose, iyadoo dhowr jeer weeraro kala duwan lala beegsaday Ciidamada Dowladda iyo Ciidamada Itoobiya.